Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Danjiraha Bedelaya Ergaygiisii Hore

0
Thursday September 13, 2018 - 15:55:37 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Danjiraha Bedelaya Ergaygiisii Hore

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa danjire Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida islamarkaana madax ka noqon doona xafiiska UNSOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa danjire Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida islamarkaana madax ka noqon doona xafiiska UNSOM.


Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa lagu xaqiijiyay in Nicholas Haysom uu bedlei doono ergaygii hore danjire Michael Kating.

Diblomaasigan oo dhashay sannadkii 1952 una dhashay dalka Koonfur Afrika, wuxuu ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan oo uu hayay ilaa sannadki 2016, waxaanu sidoo kale madax ka soo noqday xafiiska Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.

Danjirahan bedeli doona ergaygii hore ayaa lagu tilmaamay nin khabiir ku ah xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee wadamada ay dagaaladu aafeeyeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip