Somaliland iyo Shirkadda DP World Oo Kala Saxeexday Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera.

0
Thursday October 11, 2018 - 12:06:07 in Wararka by
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Shirkadda DP World Oo Kala Saxeexday Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera.

    Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka Carabta u qaabilsan horumarinta Dekedaha ee Dp World ayaa saaka kala saxeexday heshiiska balaadhinta Dekedda Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka Carabta u qaabilsan horumarinta Dekedaha ee Dp World ayaa saaka kala saxeexday heshiiska balaadhinta Dekedda Berbera.


Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen xubno kamid ah Golaha wasiiradda Somaliland, Madaxda shirkadda Dp World iyo marti sharaf kale oo caalami ahi , waxa ugu horeyn ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo ugu horeyn u mahad celiyey shirkadda Dp World oo uu sheegay in ay ku dhiiratay maalgelinta balaadhinta dekedda Berbera.

Waxa kale oo uu madaxweyne Biixi  ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay mudadii 27 sanno ahayd ee ay jirtay, isaga oo sheegay in dalkani yahay mid la jaan qaadi kara maalgashi kasta oo uu caalamku ka samaynaayo, waxa kale oo uu intaasi ku daray in dekedda Berbera noqon doonto mid hab togan uga shaqayn doonta koboca dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Dhankiisana waxa goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha shirkadda Dp World Sultan  Binu Axmed Sulayem , waxaanu sheegay in maalgelintani ay hor dhac u noqon doonto maalgelino kale oo ay shirkaddu ka samayn doonto Somaliland, waxaa kale oo uu tilmaamay in maalgelinta Dekedda Berbera ay socon doonto muddo 2 sanno ah dhisme ahaa.

Dekedda maanta dhismeheeda iyo balaadhinteeda la kala saxeexda ayaa noqonaysa 400 oo mitir, taas oo lagu kordhin doono dekedii hore ee magaaladda Berbera .

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip