|
|||
![]() Ethiopia Oo Saraakiishii Ugu Badnayd Xabsiga Dhigtay.
Ciidamada Booliska dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay taliyihii hore ee ciidamada Booliska Federalka ee dalka Itoobiya
, sidoo kalena ahaa ku xigeenkii Sirdoonka Qaranka .
Sarkaalkan ayaa lagu soo eedeeyey in uu ku kacay xad gudubyo bani’aadanimo iyo musuq maasuq intii uu xilkan hayey , sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya, waxaana warkaasi lagu sheegay in ay ciidamadu sii wadi doonaan xadhiga deraasiin saraakiil ah oo looga shakisan yahay in ay gaboodyo bani’aadanimo geysteen iyo musuq maasuq.
Ilaa hadda saraakiisha la xidh xidhay ayaa lagu sheegay in ay gaadhayaan 60 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada dalkaasi Itoobiya, sidoo kalena waxa ay ciidamadu xabsi u taxaabeen madaxii amaanka ee shirkadda isgaadhsiinta dawladda ee Itoo Telekoom Kornayl Gudeta Olana . Leave a comment |
|
Copyright © 2016 - 2019 Halgan News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Ethiopia Oo Saraakiishii Ugu Badnayd Xabsiga Dhigtay.
Ciidamada Booliska dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay taliyihii hore ee ciidamada Booliska Federalka ee dalka Itoobiya