Boqorka Beelaha Daarood Oo Tukaraq Soo Gaadhey.

0
Saturday November 17, 2018 - 12:42:25 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Beelaha Daarood Oo Tukaraq Soo Gaadhey.

    Waxa gobolka Sool goor dhoweyd soo gaadhey boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka guud ee beelaha Daarood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa gobolka Sool goor dhoweyd soo gaadhey boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka guud ee beelaha Daarood

, waxaana Barriga degaanka Tukaraq kusoo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore , Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi , maayirka degmadda Laascaanood,Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, cuqaal ka tirsan cuqasha gobolka Sool iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan.

Garaadka oo hogaaminaaya wafti balaadhan oo ka kooban cuqaasha maamul goboleedka Puntland ayaa qayb ka ah wufuuda ka shaqaynaysa sidii loo xalin lahaa shaqaaqadii dhowaan ka dhacay degaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool .

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo goobta soo dhoweyn ka hadlay ayaa si weyn ugu soo dhoweeyey Boqorka Somaliland , isaga oo sheegay in ay si weyn ugala qayb qaadan doonaan hawlaha nabadaynta ee uu boqorku wado.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip