Ra'isal Wasaaraha Dalka Japan Oo Ka Hadlay Heshiiska Dalkiisu La Gelaayo Ruushka.

0
Sunday January 06, 2019 - 11:24:52 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isal Wasaaraha Dalka Japan Oo Ka Hadlay Heshiiska Dalkiisu La Gelaayo Ruushka.

    Ra'isal Wasaaraha dalka Japan Shinso Abe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiis dalkiisu la gelaayo dalka Ruushka iyo aragtida saaxiibka ugu dhow ee dalkiisa ee Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isal Wasaaraha dalka Japan Shinso Abe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiis dalkiisu la gelaayo dalka Ruushka iyo aragtida saaxiibka ugu dhow ee dalkiisa ee Maraykanka.


Mr Abe ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid nabadeed oo dan u ah labada dal ee Japan iyo Ruushka, sidoo kalena dan weyn u aha dalka Maraykanka iyo deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka.

" xulafada ka dhaxaysa Maraykanka iyo Japan waa seeska Amaanka iyo diblomaasiyadda dalka Japan” ayuu yidhi Mr Abe oo waraysi gaar ah siinaayey idaacada Japan ee NHK World iyo wargeyska Japan Times oo ay Shabakada Halgannews warkan kazoo xigatay.

Ra’isal wasaare Abe ayaa wada qorshe uu kula kulmaayo madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin inta lagu jiro bishan, isaga oo kala hadli doona heshiisyo ay gaadhaan, iyaga oo aan wax heshiis ah gaadhin labada dal intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaanay is afgarad gaadheen labada hogaamiye bishii November ee sannadkii ina dhaafay, iyaga oo isla meel dhigay in wada xaajoodkii ay hore u bilaabeen Japan iyo Midawgii Sofiyatii sannadkii 1956 kii ay sii wadaan.

Dalalka Ruushka iyo Japan ayaa ku muransan jasiiraddo uu Ruushku gacanta ku hayo, isaga oo Ruushku ku xidhay wareejintooda heshiis labada dal gaadhaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip