Khubarrada Baadhitaanadda Ingiriiska Oo Dalkaasi Ka Helay Godad Taariikhi Ah.

0
Friday January 11, 2019 - 23:14:41 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubarrada Baadhitaanadda Ingiriiska Oo Dalkaasi Ka Helay Godad Taariikhi Ah.

    Khubarrada baadhitaanadda Dhulka iyo taariikhaha ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay sannadkan xabaalihii ugu badnaa ee taariikhi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khubarrada baadhitaanadda Dhulka iyo taariikhaha ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay sannadkan xabaalihii ugu badnaa ee taariikhi ah

 , kuwaas oo ay ku aasan yihiin lafo aad u badan , waxaanay lafahaasi gaadhayaan tiro ahaan 52 lafood .

Lafahan ayay khubarradu sheegeen in lagu aasay goobtan muddo ku siman qarnigii 14-naad , waxaana la filayaa in ay aaseen dadkan boqortooyaddii Roman-ku, waxaana kamid ah lafaha halkaasi ku jira Madaxyo , Lugo iyo lafo kale oo siyaalo kala duwan loo aasay.

Khubarrada lafahan baadhitaankooda gacanta ku hayey ayaa sidoo kale sheegay in lafahani yihin kuwo muujinaaya habka dadka loo laayey, iyada oo la kala jaray madaxooda iyo jidhka intiisa kale , warbixin kooban oo ay ku daabaceen khubarradaniwargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay ayaa lagu sheegay in dadkan madaxyadda laga guray kadib markii la laayey.

Dadkan oo madaxyadooda la hoos dhigay lugahoda laguna hoos aasay ayay ku jireen carruur yar yar oo qaarkood ay gaadhayaan 9 jir ilaa 10 jir , waxaanay khubarradani sheegeen in ay dadkani intooda badani ahaayeen dad Beero lay ah , sidoo kalena ay jiraan kuwo kal oo loo malaynaayo in ay ahaayeen dadkii Saynisyahanada ahaa ee la layn jiray markay walax cusub ikhtiraacaan la layn jiray.

Goobta laga helay lafahan iyo godadkanoo lagu magacaabo Whelnetham ayaa ah goob caan ku ahayd boqortooyaddii Romanka , waxaanay halkaasi fadhiyi jireen ciidamada Roomaanka iyo madaxdoodu Qarniyadii kowaad ilaa kow iyo tobnaad , waxaana godadkan la qoday xili la doonaayey in guryo laga dhiso halkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip