Fadhiga Golaha Guurtida Somaliland Ee Berri Maxa Laga Filan Karaa ?.

0
Saturday January 12, 2019 - 23:21:28 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhiga Golaha Guurtida Somaliland Ee Berri Maxa Laga Filan Karaa ?.

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam ayaa maanta kudhawaaqay in dib loo dhigay fadhi lagu balansanaa maanta in ay yeeshaan xildhibaanadda Golahaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam ayaa maanta kudhawaaqay in dib loo dhigay fadhi lagu balansanaa maanta in ay yeeshaan xildhibaanadda Golahaasi

, kaas oo lagaga jawaabaayey warqad qoraal ah oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hore ugu soo diray Golaha , taas oo lagu doonaayey in ay waajibaadkooda ka gutaan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinkii Golaha Wakiiladda iyo Degaanka .

Fadhigan maanta baaqday ayaa la filayaa in uu qabsoomo maalinta Berri ah oo ku began maalin Axad ah , waxaana la filayaa in ay Golaha Guurtida Somaliland fadhigoodaasi kaga hadlaan muddo kordhin loo sameeyo labadaasi Gole ee Degaanka iyo Wakiiladda oo doorashooyinkoodu dib u dhaceen dhawr jeer .

Warar hoose ayaa sheegaaya in ay Goluhu diyaarinayaan in ay sameeyaan muddo kordhin dhan laba sanno , taas oo ay u samaynayaan labadan Gole oo muddo dhaaf ah , lana filaayey in doorashadoodu sannadkii ina dhaafay dhacdo laakiin aanay surto gelin.

Haddii ay suurtowdo in ay Golaha Guurtidu labadan Gole u sameeyaan muddo kordhin laba sanno ahwaxa meesha ka bixi doona qoddobadii ay dhowaan ku heshiiyeen xisbiyadda siyaasadda ee UCID iyo KULMIYE , kuwaas oo dhigaayey in lagu heshiiyey in doorashooyinkaasi dhacaan sannadkan 2019-ka daba yaaqadiisa .

Qoddobadan ay soo saareen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ayuu ka maqnaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI , iyada oo uu jiro khilaaf balaadhan oo u dhexeeya xisbiyadda UCID iyo KULMIYE oo isku dhinac ah iyo xisbiga WADDANI oo isna dhinac ah, kaas oo salka ku haya Guddida Doorashooyinka.

Waxa maalinta berri shacabku u dheg taagayaa sida uu u dhaco kulanka ay isugu iman doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo sannadihii ugu dambeeyey noqday Golaha Muddokordhinta .






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip