|
|||
![]() AFKA XIDHO """""""""""""""""""""
waa gabay ka hadlaaya Abwaanada la xidh xidhay ee xoriyadda laga qaaday, waxaana tiriyey abwaan barre mahad hassan
afka xidho indhaha qari
eraygaagu garashada
runta yuu abaarine
waa inuu ka aamuso
afweynan ka diidnee ma awoodahaagiyo amar waxaad ku bixisa a in la xidho abwaanada xaqa aasi maynoo ku amaani maynee ma ooda soo jabi ama iilka jeelkiyo ilko qaranku leeyahay adigoo adeegsadayi ku qaniin agoomaha usha layla dhacayaa ma mid ii abadaa hadba kaan ku aamino qarankaygan eedaha abtirsiin u helayoo waligiiba abuurnaa ma adkaysigaygiyo ilmadaan qarsanayaa laygu soo abaaraa ma codkaan u eexdaa oo dhalay dhibadada ma codkaan mid ii xiga ku abaal marshaayoo dar ilahay uma huro odaygii hogaanshaa aqalkeenaan quruxdiyo u ekaaday boqornimo ee sumada gaariyo lagu galo astamaha eegay hoota laga qoro waxaan ahay iftiinshaha eraygiisu sheegee geesaha atoorkiyo sunta soo afuufoo alif laha dhibtaba qaba soo uruuri taliyow marna waad asturan tahay adigoo kursiga jecel marna waad ordaysaa adigaa kursiga helay jirjiroole aragtida u ekaa siyaasigu dhulkan nagu abaarsaday ee baad la goostiyo laga wayay ubaxii cida ay badbaada umadaas ka sugaysaa waa madax aqoonlee ka adkayso hays odhan xaqu yuu abaadine abaan duule taliyiyo ilaa iyo wasiirnimo iyo kurayga doobkaa dabar lagu ilaashiyo sharci bay u diran yiin oo geedka kuba xidha marka ay is dilayaan adigaan ku doortee iga qaado hadalkoo eraygaygu yuu noqon mid xumeeya oogada oo noqon nasteexiyo mid wanag ku idil yahay garashaan abaaliyo ehel madaxi leedahay kugu soo aqoonsaday aminkaan ku doortee ayaaha danbeeyiyo axdi baa ku dhaarshee xaqa u noqo adoomaha mid la eedo yaad noqon mid aduun shaqaystoo danta umada aan garan eebe kaama yeelee unuglow dadkaagiyo danyaraha itaal hayn ugur aan bislaaniyo qaarac aan la qawracin yuu noqon sharciga jira adin yaana laga xidhin ha dhaqaaqee ii daa aas aas noloshiyo ab wuxuu ka joogaa dhexdhaxaadka uunkee ,
Abwaan barremahad hassan Leave a comment |
|
Copyright © 2016 - 2019 Halgan News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
AFKA XIDHO """""""""""""""""""""
waa gabay ka hadlaaya Abwaanada la xidh xidhay ee xoriyadda laga qaaday, waxaana tiriyey abwaan barre mahad hassan