DAWLADU MA DOOLARKA AYUUN BUU XIL KA SAARAN YAHAY MAXAY U XAKAMAYN WAYDAY MACIISHADA?

0
Friday March 15, 2019 - 22:13:58 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAWLADU MA DOOLARKA AYUUN BUU XIL KA SAARAN YAHAY MAXAY U XAKAMAYN WAYDAY MACIISHADA?

    bismillah, sida aynu ka warqabno saddexdii sano ee u danbeeyay waxa kor u kacay qiimaha lacagta qalaad(dollarka)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

bismillah, sida aynu ka warqabno saddexdii sano ee u danbeeyay waxa kor u kacay qiimaha lacagta qalaad(dollarka) , sida oo kale waxa iyana cirka isku shareertay maciishada nooc kasta oo ay tahay iyo adeegyada kala duwan. sixir bararkaa dhacay waxa uu dhibaato iyo aafo ku noqday guud ahaan bulshada, gaar ahaana muwaadiniinta mushaharka ku qaata shilinka somaliland sababta oo ah qiimo dhac weyn ayaa ku yimi shilinkii kolkaa awoodii uu wax ku jaraayey ayaa hoos u dhacday. intii xukumadani jirtay waxa ay ku guulaystay in aanu 100 dollar dhaafin 1000000 (malyan shilinka somaliland ah), maalinba maalinta ka danbaysa waxbaa ka dhacaayay hada 100 dollar waxa uu u dhigmaa 950000 oo shilinka somaliland. ok way fiican tahay in la xakameeyo dollarka oo hoos loo soo celiyo, balse waa marka maciishaduna ay sidoo kale hoos u soo dhacdo oo ay ku noqoto halkeedi hore. markaas ayuu macno samaynayaa oo la odhan karaa waxbaa laga qabtay sixir-bararkii. laakin hadii doolarkii jabo maciishadii iyo adeegiina ay sidoodii yihiin sixir-bararku wuu kasii xun yahay sidii hore waayo awal culayska ugu weyn waxa qabay bulshada inta mushaharka ku qaadata shilin balse hada kii dollar ku qaadanayey iyo kii shilin ku qaadanayey labadaba waxa haysta sixir barar iyo duruuf dhaqaale waayo dollarkii iyo shilinkiiba awoodoodi wax gadasho (purchasing power) way liidataa. bal hada eeg awal 0.5(dollarka) prepaidkaa waxa uu ahaa 5000 oo shilin markii dollarkii kacay waxa uu noqday 6000, imika markii dollarkii hoos u soo dhacay isagu waa 6000 uun. waa tusaalaha ugu fudud dhamaan adeegyada iyo maciishadaha kala duwana waa caynkaas. hadaba dawladu ma waxa ay masuul ka tahay uun dollarka, yaa ka masuul maciishadaha sare uun usii socda ee nin kastaaba waxa uu doono siinaayo.siyaasi wakiiladii dadku doorteen iyo xisbiyadii mucaaridku maxay uga hadli laayihiin dhibaatadan qusaysa dhuunigii iyo wixii aasaasiga ahaa ee lagu noolaa. bulshada hebel iyo hebel ba way ka hadlaan ee horta maxaa u diiday in ay ka hadlaan dantooda


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip